Get help as a refugee - Somali

Kaalmada loogu tala galay qaxootiyaasha iyo magangalyo doonka

Haddii aad tahay qaxooti ama magangalyo doon jooga UK, waxaa suuragal ah inaan ku siin karno taageerada farsamo iyo mid shucuureed

Sida aan kuu caawin karno

Boggaan waxaa lagu heli karaa luuqadaha kale.

Laanqayrta Cas ee Biritan (台灣uu直播) ayaa ah bixiyaha ugu wayn ee madaxa banaan gudaha UK ee adeegyada iyo taageerada qaxootiyaasha iyo dadka magangalyo doonka ah.

Waxaan caawinaa qaxootiyaasha dhammaan umadaha iyo diimaha kaladuwan kasoo jeeda. Kuguma dacwayn doono dawlada.
Haddii aad tahay qaxooti ama magangalyo doon ku sugan UK, ama haddii aad taqaano qof qaxooti ah, kooxaheena ayaa awoodi kara inay kaa caawiyaan:

  • kaalmada xaaladaha degdega ah
  • shaqada kiiska ee qof iyo qofka ah
  • hal taageero oo mideysan
  • xpg iyo tilmaamo la xiriira meesha aad ka helayso caawimaad.

Taageerada aan bixino ayaa ka imaan karta Laanqayrta Cas ama waxaan kugu xiri karnaa ururada kale.

Ilaha kale ee caawimaada qaxootiyaasha


  • Hel caawimaad ku aadan codsashada hooy iyo taageero dhaqaale, hel shaqaalaha kiiska oo heegan ah iyo turjumaano.

  • Tusmada bilaashka ah ee talaabo-talaabada ah ee nidaamka magangalyo doonka iyo soo galootiga ee UK si lagaaga caawiyo inaad si fiican u fahanto hanaanka sharciga.
  • Baro haddii aad u qalanto, nooca caawimaada aad helayso iyo sida aad magangalyo uga codsan karto UK.

Find support near you

Ma dooneysaa xog dheeri ah?

Xog dheeri ah ka ogoow shaqadeena cilmi baarista iyo u qareemida iyo sida aad u caawin karto qaxootiyaasha.

Sida aan u taageerno qaxootiyaasha